Khasaaraha qaraxyadii Jalalaqsi iyo Buulo Burde oo sii kordhaya & dad lala’yahay

Qarax buundada buuloburte

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheerad ah oo ku saabsan qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Degmooyinka Jalalaqsi iy Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, kuwaasoo dhaliyey khasaare xoog leh.

Wraarka ayaa sheegaya in Gaari qaraxyo laga soo buuxiyey uu jiiray bar kontrol oo ciidamada Amniga u taalay meel u dhow Guriga Guddoomiyaha degmada, ka dib markii ruuxii is-miidaamiyaha ahaa ee Gaariga qaraxa waday uu diiday inuu joojiyo Gaariga, waxaana  rasaas ku furay ciidamada taasoo keentay in gaarigu  qarxo.

Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn oo geystay burbur xoog leh ayaa la sheegay inuu bartilmameedkiisu ahaa Buundada degmada Jalalaqsi oo ku taalla meel ku dhow goobtaas.

Wuxuuna burburiyiyey dhismooyin badan oo uu ku jiro xarunta iyo Guriga Guddoomiyaha, iyadoo uu ku dhintay Gudoomiyihii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Dabaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xil-wareejin samaynin.

Waxaa qaraxa sidoo kale ku dhintay Duqii magaalada Jalalaqsi Aden Maxamed Ciise, Dadka dhintay ayaa ka badan 15 qof, waxaana weli la la’ yahay dad badan oo laga cabsi qabo inay burburka ku hoos jiraan.

Alshabaab ayaa sidoo kale qarax ku burburisay Buundada magaalada Buuloburte oo uu dalooloyey qarax lala beegsaday, inkastoo aysan wada dumin  haddana waxaa la sheegay in gaadiidka aysan isticmaali karin ayna u baahan tahay dayactir.

Mas’uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday mooto bajaaj lagu dhuftay buundada magaalada ee kormarta webiga Shabeelle,  Ugu yaraan hal qof ayaana ku dhintay qaraxa, qaar kalena wey ku dhaawacmeen.

Post a Comment

0 Comments