Al Shabaab oo Qarax ku dilay Gudoomiyihii degmada Qoryooleey.

Gudoomiyihii degmada Qoryooleey

Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ,ayaa sheegaya in shalay Qarax miino oo ka dhacay duleedka degmadaasi lagu dilay Sayid Cali Ibraahim oo ahaa guddoomiyihii Qoryooley.

Sida aan wararka ku helnay guddoomiyaha iyo qar kamid ah ilaaladiisa ayaa qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lagula eegtay duleedka degmada Qoryooley, waxaana qaraxa sidoo kale ku dhintay qaar kamid ah ilaaladiisa.

Ciidamo katirsan dowladda Somaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen dadka qaraxa ku dhaawacmay iyo sidoo kale meydka guddoomiyaha iyo dadkii la geeriyooday.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiye Siid Cali Ibraahim.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Argigixisada Alshabaab mar waliba ay Bartilmaameed uyihiin Haldoorada u adeegaya Bulshada iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaana uu xusay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto Doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada Degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed.

Post a Comment

0 Comments