Taliyihii Booliska G/Banaadir Farxaan Qaroole oo qarax lagu dilay.

Gen. Farxan Max’uud Aadan (Qaroole) T

Allaha u naxariisto Gen: Farxan Max’uud Aadan (Qaroole) Taliyihii qeybta Booliska gobolka Banaadir ayaa la soo sheegayaa inuu ku geeriyooday qarax miino ah oo jidka lagu aasay isaga iyo kolonyo ciidan ah oo la socotay.

Saraakiil ku sugan goobta ay Miinada kula qaraxday ayaa warka la xariira geeridda Gen Farxaan Qaroole xaqiijiyay.

Taliyaha ayaa ku sugnaa degaanka Basra oo shalay ciidamada DF ay ka fuliyeen Howlgal, halkaasoo ah goobta lagula eegtay Qaraxa, Wuxuu ka mid ahaa saraakiil hoggaaminayay dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Warka geerida ayaa laga soo wariyay dhowr qof oo kamid ah ciidanka la socday Farxaan Qaroole, iyo inay sidoo kale askar la socotay Taliyaha ay ku dhinteen qaar kalena ay dhaawacmeen.

Post a Comment

0 Comments