Al-Shabaab oo laga saaray degaano aan ka fogeyn Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xooga Dalka

Ciidanka Xoogga dalka somalia ayaa la wareegay gacan ku haynta degaano ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kuwaasoo ay hore ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Degaanada ay la wareegeen ciidamada waxaa ka mid ah Jambaluul iyo Kaxarow oo Dhanka galbeed kaga Beegan Degmada Afgooye.

Ciidanka ayaa la sheegay iney cagta mariyeen Maxkamad Al-Shabaab ku laheyd Degaanka Jambaluul, waxayna soo bandhigeen agab kala duwan oo ay goobta kaga carareen Nabadiidka Al-Shabaab.

Dhamme Xaashi Max’uud Bullaale oo hogaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ciidanka Daraawiishtu ay burburiyeen taliskii Al-Shabaab ee Degaanka Kaxarow.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta K/Galbeed ee Gobolka Shabeellaha Hoose G/sare Nuur Xayir ayaa isna sheegay in Howlgalkan uu sii socon doono, isla markaana ay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaanada ay gobolka kaga sugan yihiin.

Post a Comment

0 Comments