Howlgal ka dhacay degaan ka tirsan Sh/hoose oo lagu dilay 40 ka tirsanaa Al-shabaab

NISA

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beerta Shariifka ee deegaanka Nuungare oo 8-KM kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka badan 40 ka tirsan Al-Shabaab

Waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay shalay Wasaarada warfaafinta Somalia 

Xubnaha Shabaab-ka ah ee lagu dilay howl-galkaan ayaa waxaa ku jira xubno ajaanib ah, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA.

“In ka badan 40 Khawaarij oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad oo ay kamid ahaayeen Ajaanib ayaa lagu dilay howlgal ciidanak NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka sameeyeen 2-dii bishaan May gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

NISA, howl-galkaan faah-faahin intaas ka badan kama bixin, hase yeeshe bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ayaa lagu shaaciyay in howl-galkan uu ka dhacay Beer ku taalla deegaanka Nuungare oo 8-KM kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa dhacay habeenimadii Talaadada, iyada oo xubnaha Shabaab-ka ee howl-galkan lagu beegsaday ay xilligaasi isku abaabulayeen dhul-beereedkaas, “Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.”

Post a Comment

0 Comments