Ciidanka Dowladda oo nolosha ku qabtay Xubno katirsan Al Shabaab oo baxsad ahaa.

Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa nolosha ku qabtay labo dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab , kuwaa oo xalay ka badbaaday weerar lagu dilay xubno kale ay la socdeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gacanta ku dhigay labadan dagaalyahan ayaa sheegay in ragan ka badbaadeen weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Cali Qaboobe ee lagu beegsaday gaadiid ay wateen xubno badan oo katirsanaa AlShabaab.

Ragan la qabtay oo baxsad ahaa ayaa gacanta u galay ciidamo katirsan milatariga Somaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo ku sugnaa duleedka degmada Ceeldheere, waxa ayna saraakiisha ciidanka xoogga dalka xubnahan usoo bandhigeen warbaahinta.

Weerarkii xalay ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay 60-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab ,kuwaa oo la socday gaari weyn oo nuuca BG-ga loo yaqaan.

Post a Comment

0 Comments