Ciidanka dowladda oo Weerar gaadmo ah ku dilay 60 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

Ciidanka Xooga Dalka

Ciidanka xoogga dalka Somaliya ayaa howlgal gaadmo ah ay xalay ka fuliyeen deegaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay heleen xogta gaari ay wateen xubno badan oo katirsan Al Shabaab, sidoo kale hub lagu siday lagu beegsaday howlgalka.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in weerarkaasi gaadmada ah ee lagu qaaday AlShabaab looga dilay ilaa 60-dagaalyahan, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen hubkii ay kooxdaasi wadatay.

Dhinaca wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray dhankiisa ku sheegay in Al Shabaab loo dhigay kaniim looga gubay gaadiid sidoo kale looga dilay ilaa toban dagaalyahan .

”Ilaahey fadligiida, Khawaarijta xaley kamiin ay ku halaagmeen tobanaana ay uga dhinteen gaadiidna looga gubey ayaa aaga Xarardheere loogu galey. Geeshkayagoow Guuleeysta.” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Weerarkan ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa imaanaya xilli Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo ciidan maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen deegaanno katirsan gobolka Mudug..

Post a Comment

0 Comments