Al-shabaab oo lagu duqeeyey degaano hoostaga Balcad iyo Xarardheere.

Alshabaab

Ciidamada dowladda Somaliya ayaa howlgal milatari ka wadaa deegaanno hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ka dib markii maalmo ka hor saldhig milatari oo ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ay weerarar ku qaadeen Al-Shabaab.

Shacabka degmada Balcad ayaa sheegaya in xalay illaa saaka ay maqlayeen qaraxyo waaweyn iyo iska horimaadyo ka socday tuulooyin iyo degaano hareeraha ka xiga degmadaas.

Howgalladan ayaa lagu soo waramayaa in khasaare kala duwan uu ka dhashay iyadoo ay jiraan duqeymo saaxiibada caalamiga ah ee Somaliya ay halkaa ka gaysteen.

Degaanada duqeymaha laga fuliyey ayaa waxaa la sheegay iney ka mid yihiin Yaaqle, Dhagaxow, Shanlow iyo Mukay-dheere, goobahaasoo la sheegay iney joogeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, lamana oga weli khasaaraha.

Sidoo kale  duqeymo xooggan oo dhinmaca cirka ayaa ka dhacay maanta howdka Koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degaannada Bacaadka Faarax Aadan illaa Buuraha Deegaan oo ay ku ku sugnaayeen xoogagii Al-shabaab ee laga saaray degmada Xarardheere.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-shabaab ay halkaas kaga tageen gawaari dagaal, firxadkooduna ay diyaaraduhu beegsanayaan, waxayna degaanadaan qiyaastii 15-Km Xarardheere kaga beegan yihiin dhanka degaanka Caad.

Milateriga DF iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageeraya ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeymahan lala beegsaday Al-shabaab oo weli aan la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Post a Comment

0 Comments