Al Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ku yaala Deegaanka Xawaadley.

Alshabaab

Dagaalyahano katirsan AlShabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Somaliya ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay saldhigga ayaa lagu weeraray saddex gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana qaraxyada kaddib saldhigga weerar toos ah ku galay koox hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka xooggan ee lagu qaaday saldhigga Xawaadley, waxaana weerarkan saraakiisha ku geeriyootay saraakiil iyo askar badan.

Saraakiisha lasoo wariyey in ay ku dhinteen qaraxyadaasi ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee Milatariga Somaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo saldhigga maamulayay iyo askar kale oo ku sugneyd xeradaas.

Post a Comment

0 Comments