Al-Shabaab oo laga qabsaday degaan cusub, lagana dilay 70 xubnood & Mareykanka oo duqeyn ku laayay xubno Shabaab ahaa

ِAlshabaab

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceelbacad oo hoos taga degmada Aadan-yabaal.

Taliyaha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxdu ay saacadihii ugu dambeeyey isaga baxeen degaanka Ceelbacad, isla markaana looga daba tegay dhul-howd ah, halkaas oo aad loogu laayey.

Jeneraal Biixi ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 67 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalku uu weli socdo oo khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu intaas ka badan yahay.

Taliyaha ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu kala aqoonsanayo meydadka saraakiishii hoggaamineysay Shabaab-ka la laayey, “Ceelbacad gacanta dowladda ayey ku jirtaa, waa khasab in madaxdii Al-Shabaab ay meydadkaan tirada badan ku jiraan, dib ayaan ka soo sheegi doonaa oo xaqiijin ayaan wadnaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Biixi.

Sidoo kale taliyaha oo ka hadlay howlgalkii lagu xoreeyey degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in si nabad ay kula wareegeen gacan ku heynta degmadaas, isla markaana ciidankii xoreeyey ay sii eryanayaan firxadkooda.

Dhanka kale Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay duqeyn ay diyaaradadooda dagaalka Jimcihii ay ka fuliyeen agagaarka degmada Cadale oo qiyaastii 150 mile u jirta Muqdisho.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi cirka ah ay la beegsatay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidamada huwanta, waxayna sheegtay inay dalab ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu talisku xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, mana jiro khasaare kasoo gaaray rayidka, sida lagu sheegay warbixinta.

Post a Comment

0 Comments