Dowlada Somalia oo shaacisay in la dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Alshabaab

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa  xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab kaasoo oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta DF.

“Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday  dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

Dowlada ayaa sheegtay in Yuusuf Jingaab lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen degaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-shabaab 15-kii bishan.

Post a Comment

0 Comments