Alshabaab oo bilaabay inay kusoo dhuuntaan Caasimada Muqdisho.

Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye, ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay bilaabeen inay kusoo qulqulaan magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayuu ka sheegay kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in xafiiskiisu uu ka war hayo dhaq dhaqaaqa maleeshiyaadka ee magaalada ka dib guul darooyin is xig xiga oo ay kala kulmeen ciidmada dalka iyo deegaanada Somaliyeed.

Waxaa xusid mudan in maalmihii la soo dhaafay laamaha ammaanku ay sare u qaadeen howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow dhow, Si looga hortago in ay gudaha magaalada soo galaan khawaariijta dagaalka looga adkaaday.

Dhanka kale Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa sii wadda dadaalada ay tahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho, 

Kadib weerarkii 27-kii bishii November ay dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysatay Hotel Villa Rays oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Wasaaradda ayaa toddobaadkii hore soo kordhisay qorshe lagu baarayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, marka ay taggayaan Xaruntooda Villa Hargeisa oo ku dhex taala Aqalka Villa Somalia.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Taliska Hay’adda NISA uu shaqaaleysiiyay in ka badan laba laab dharcadkii ku daadsanaa magaalada, welina uu talisku wado qorista shaqaalaha cusub ee la hawlgelinayo.

Villa Somalia ayaa fahamsan in maleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalada looga soo saarayo gobolada dalka ay soo gelayaan caasimadda Muqdisho, oo ay u arkaan goob ay gabaad ka dhigan karaan, oo dadka degana aysan is aqoon, isla-markaana ay ka gaysan karaan falal amniga ka baxsan.

Post a Comment

0 Comments