Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka GEDO oo la dilay.

Bakaal Kooke

Taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke), ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.

Bakaal Kooke ayaa la sheegay in qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay tuulada Suul-Alle oo 5 KM u jirta degmada Luuq, Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu ahaa nin awood badan oo maamulka Jubbaland muddo dheer u diidannaa inuu ka howlgallo gobolka Gedo, wuxuuna taa badalkeeda toos uga amar qaadan jiray dowladda dhexe ee Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaas ku dartay in qaraxa sidoo kale uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee Baladxaawo iyo Doolloow Cabdullahi Kaniini.

Post a Comment

0 Comments