Maraykanka oo Sii Wadi doona taageerada uu Somaliya ka Siiyo La dagaalanka Argagixisada.

Somalia & USA

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa xaqiijisay in ay sii wadayaan taageerada ay Somaliya ka siinayaan dagaalka ay kula jirto argagixisada, si ay nabad iyo amni u helaan umada Soomaaliyeed.

Xukuumadda Washinton ayaa ballan qaaday in ay dib u soo celin doonto awooda ciidamada Somaliya ee la dagaalamaya  dhaq dhaqaaqa Alshabaab

Kuwaaso ay hore usheegeen in dagaalyahanadooda ay ka baxsanayaan weerarada kaga imaanaya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaantay in ay ka taageeri doonto Somaliya sidii ay xiriir ballaaran oo nafci leh ula yeelan lahaayeen caalamka.

Post a Comment

0 Comments