Mareykanka oo kordhiyay lacagaha dul saaran madaxda Al Shabaab.

Madaxda Alshabaab

Mareykanka ayaa kordhiyey abaal marin lacageed oo uu horey u dul dhigay saddex hogaamiye oo ka tirsan kooxda Al-shabaab

Abaal marinta lacageed ee raggan laa dul dhigay oo horey u aheyd min shan milyan oo Dollar ayaa haatan la gaarsiiyey $10 milyan oo dollar midkiiba, taasoo  la siinayo qofkii xog ka keena halka ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa ee Ururka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Twitter-ka oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa lagu sheegay raggani inay masu’ul kayihiin weeraro argagaxiso ah oo ka dhacay Soomaaliya Kenya iyo wadamada deriska kuwaasoo ay ku nafwaayeen kumannaan kun.

“Saaxiibada Kenya iyo gobolka Mareykanka, waxa uu abaal marin lacageed siinayaa ciddii keenta xog horseedi karta in la aqoonsado oo la xannibo ilaha dakhliga ee Ururka Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Kenya.

Hogaamiyeyaashan uu Mareykanku sheegay ayaa kala ah magacyadooda Mahad Karataay iyo Jehad Mustafa iyo Axmed Diiriye oo ah, hoggaanka ugu sarreeya Urururka Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Al-Qaacida.

Post a Comment

0 Comments