Afhayeenka Khawaarijta Alshabaab oo Waraysi yaab leh Bixiyay.

Afhayeenka Khawaarijta ( cali dheere )

Afhayeenka Alshabaab cali maxamud Raage ayaa waraysi aan hore loo arag bixiyay isagoo lagu waraystay mid kamid ah warbaahinta taageerta Alshabaab ee ka hawl gasha deegaanada ay ka taliyaan.

Cali dheere ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn wada hadal ama dib u heshiisiin ay la galayaan dowladda Somaliya, oo uu ku sifeeyay gaalo, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay la dagaalami doonaan abid.

Waraysiga Cali dheere ayaa kusoo beegmay xili ay Alshabaab wajahayso dagaal culus iyo kacdoonka shacabka iyo ciidanka somaliya, wuxuuna waraysigu ka dhacay sida muuqata goob ay alshabaab isugu keentay culimadooda oo dhawaan laga soo saaray go`aan ku saabsan dagaalka cusub ee dawlada fedaraalku ku qaaday Khawaarijta Alshabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa guulo waawayn ka gaaray la dagaalnka kooxda Al-Shabaab saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay dib u xoreeyeen dhulal ay muddo gacanta ku hayeen Khawaarijta Alshabaab.

Nasiib xumo somaliya ayaa maanta la ildaran xanuunka iyo cawaaqib xumada ka dhashay ficilada argagixiso ee ay ku kacayaan cadawga umada somaliyeed ee khawaarijta Alshabaab

Post a Comment

0 Comments