Kacdoonka Hirshabeele ee xididdada loogu siibay Argagixisada Alshabaab.

Maxamed Cabdi waare

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed ay bilaabeen kacdoon ka dhan ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Waare ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta ku sheegay in markii loo doortay madaxweynaha Hirshabelle 26-kii Sebtembar, 2017 Muddo hal toddobaad kadib uu tagay laba magaalo oo Shabeellooyinka ka tirsan, kuwaas oo ka go’doonsanaa dalka intiisa kale, Xarunna u ahaa Argagixisada Alshbaab.

Maxamed Cabdi Waare ayaa intaa ku daray in sidii caadada u ahayd dadka deegaanku ka codsadeen adeegyada waxbarashada, caafimaadka, iwm. 

Isagoo si kaftana ugu jawaabay ayuu ku yidhi waxaad ku nooshihiin xabsi dusha ka furan Keliya taliyaha xabsiga ayaana bixin kara adeegyadan, Haddii aad rabtaan inaad ku noolaataan xaaladan iskaga noolaada, sababtoo ah cidna idiinma imanayso oo idinkama xoraynayso cadawga Alshabaab.

Waare ayaa xaqiijiyay inay hadaladaasi dhiiri galin unoqdeen shacabka hirshbeele kadibna guulo waawayn ka gaadheen iska xoraynta cadawga umada Somaliyeed ee Alshabaab.

Post a Comment

0 Comments