Ciidanka Dowladda oo in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ku dilay Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xooga Dalka

Ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka Obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo doonayay inay u gurmadaan Khawaarij kale oo ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ay ku jebiyeen bariga deegaankaan Obaale.

Maalin ka hor ayay ahayd markii ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ay Khawaarij badan ku laayeen bariga deegaankaan dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Dhanka kale Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maamulka K/Galbeed ayaa 12 maalmood kadib, waxay dib u qabsadeen degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Bay, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay dagaal kula wareegtay bilowgii bishaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxday deegaankaan, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, si lamid ah sidii 1-dii bishaan ay ciidanka dowladdu uga baxeen degaankaan Goof-gaduud Buurey.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay degaanka soo galeen ciidan aad u badan oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo fariisin ka sameystay hareeraha iyo gudaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa saldhigyadii ciidanka ee deegaankaas ka socda dadaallo miinooyinka looga saarayo, maadaama kooxda Al-Shabaab ay caan ku tahay inay miinooyin geliso deegaanada laga saaro ama ay isaga baxaan.

Post a Comment

0 Comments