Odayaal la shaqeyn jiray Al-shabaab oo ka soo baxsaday degaanka Ruun Nirgood

Odayaasha kasoo baxsaday Alshabaab

Odayaal la shaqayn jiray kooxda Al-Shabaab ee ku sugan degaanka Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isku soo dhiibay ciidamada DF ee jooga gobolkaas.

Ruun-nirgood waa degaanka kaliya ee ku haray gacanta kooxda Al-shabaab gobolka Sh/dhexe, waxaana haatan degaanka duulaan ku ah ciidamada DF iyo dadka hubeysan degaanka oo qarka u saaran iney kala wareegaan Al-shabaab.

Odayaashan ka soo baxsaday degaanka Ruun-nirgood ayaa soo gaaray laguna soo dhaweeyey deegaan lagu magacaabo Cadcadey oo hoos taga degmadaas halkaasoo ay joogaan ciidamada DF.

Jeneraal Gacmadulle iyo saraakiil kale ayaa soo dhaweeyey odayaashaas oo warbaahinta loo soo bandhigay, kuwaasoo ka warbixiyey sababtii ku kaliftay inay Shabaab la shaqeeyaan.

Waxay sheegeen in kooxdu ay ku qasabtay iney la shaqeeyaan haddii ay diidaana ay muteysan doonaan dil iyo dhibaatooyin kale, iyagoo xusay iney  khatar badan ugu jireen in dayuuradaha dagaalka ee taageeraya ciidamada DF ay laayaan.

Post a Comment

0 Comments