Dagaalyahano shabaab ah oo lagu laayay duqeyn ka dhacday meel u dhaw Xarardheere.

Alshabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay barbar socdeen duqeymo dhanka cirka ah  oo la sheegay in ciidamada dowladda Somaliya ay ka fuliyeen deegaanka Beer Faarax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay deegaanka Beer Faarax oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Waxay sidoo kale sheegeen Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan iney ciidamada dowladda si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Beer Faarax.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-shabaab oo ku aadan khasaaraha lagu gaarsiiyay howlgalka weerarka iyo duqeynta is barbar socotay ee Maanta looga saaray deegaanka Beer Faarax ee gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa bishaan Janaayo ee sanadkaan 2023 si aad ah u kordhiyay weerarada Ismiidaaminta ah oo ay ku beegsanayaan fariisimaha ciidanka dowladda Somaliya oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Shabaab kala wareegay deegaano iyo degmooyin badan ay ka talineysay kooxda 10 kii sano ee lasoo dhaafay.

Post a Comment

0 Comments