Weerarkii khawaarijtu ku qaaday Xarunta Gobolka Banaadir oo lasoo afjaray

Weerarkii Xarunta Gobolka Banaadir.

Shalay ayaa koox ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah waxay soo weerareen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, Balse nasiib wanaag Ciidamada amniga oo ahaa kuwo aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawlgal labo qaybood ah.

Qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.

Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.

Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 5 ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen, Maleeshiyaadka Khawaarijta ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan.

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.

Post a Comment

0 Comments