Wararkii udambeeyey Xarunta Gobolka Banaadir & meydad gudaha daadsan.

Weerarkii xarunta Gobolka Banaadir

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada xamar weyne ayaa sheegaya in weli aan lasoo afjarin dableyda weerarka ku qaaday xarunta maamulka gobolka banaadir ee Muqdisho islamarkaana ay shabaabku weli ka dhex dagaalamayaan xaruntaasi.

Bilowga weerarka ayaa ku bilowday qarax qof naftiisa haligay oo darbiga dhinaca wasaarada maaliyada ee xarunta gobolka banaadir kaabiga ku hayey uu beegsaday.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in qaraxyo kale laga cabsi qabo oo dadka loogu baaqay inay ka fogaadaan xarunta xilli weli ay jiraan bambaanooyin ay ka dhacayaan gudaha goobta.

Wariyeyaasha ayaa loo diiday inay ka ag dhawaadaan meesha amnigooda iyagoo loo baqay,xilli sidoo kale la sheegay in ay jiraan ciidamada Dawladda inay wadaan howlgal ay kula dagaalamayaan AlShabaabka meesha ka dhex dagaalamayaan.

Xogaha hordhaca ah ee la helay ayaa sheegaya in meydad ay daadsan yihiin gudaha xarunta oo shaqaale iyo askar ka howlgalayey xarunta maamulka gobolka banaadir katirsanaa.

7 ilaa afar qof ayaa lagu sheegay inay gaarayaan dableyda katirsan argagaxisada Alshabaab,ee ka dhex dagaalamaya xarunta gobolka banaadir,welina ma jirto cid la yaqaan oo mas’uul ah oo dhintay ama dhaawacmay maadaama xaaladu ay adag tahay.

Post a Comment

0 Comments