Dagaalyahano ka goostay Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere.

Alshabaab

Labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay iney iskun soo dhiibeen Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug

Xubnahan oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh Xamse iyo Cabditaax Aadan Abiikar Ibnu-Dayib, kuwaasoo muddo dhowr sano ah ka tirsanaa AlShabaab sida ay sheegeen.

Mar ay warbaahinta kula hadleen degmada Xarardheere ayaa waxay sheegeen inay u adkeysan waayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhibaato ay sheegeen inay dadka ku hayaan.

Xubnaha kale ee weli ka tirsan Al-Shabaab ayey ugu baaqeen inay isaga soo tagaan, isla markaana isku soo dhiibaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, lana soo dhoweyn doono.

Ciidamada dowladda Somaliya ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa soo dhaweeyay labada xubnood, iyagoo balanqaaday iney heli doonaan daryeel iyo dhaqan celin.

Post a Comment

0 Comments