Alshabaab oo Mar kale Dad Shacab ah ka afduubtay Hiiraan.

Alshabaab, Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale Al-Shabaab ay dad shacab ah ka afduubteen’ deegaano ka tirsan gobollkaasi, isla-markaana hoostaga magaalada Beledweyne.

Dadka ‘la afduubtay’ ayaa qaarkood lagala dagay gaadiid, halka kuwa kalena loogu tegay guryahooda, sida uu sheegay mid ka mid ah sarkaakiisha ciidamada dowladda.

Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in ay kordheen falalka afduubka ee ay khawaarijtu ka geysaneyso gobolka Hiiraan, isaga oo u sababeeyay aano darteed, kadib kacdoonkii looga bilaabay gobolkaasi, maadaama ay dadka deegaanka ka qayb-qaateen dagaalka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ay haatan wadaan howlgallo ay ku doonayaan inay ku soo furtaan dadkaasi shacabka ah ee haatan gacanta ugu jiro Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan falkaasi.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale laba gaari ay saarnaayeen illaa 20 qof ay Al-Shabaab ‘ku afduubteen’ inta u dhexeysa Halgan iyo Buulo-burte ee gobolkaasi.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhan ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka, waana halka ay kasoo billowdeen howlgallada culus ee hadda ka socdo dalka.

Post a Comment

0 Comments