Hoobiyeyaal lagu weeraray xaafado ka tirsan magaalada Baladwayne.

Magaalada Baladwayne, Alshabaab

Madaafiic ayaa lagu garaacay xalay qeybo ka mid magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan kuwaasoo daryankooda laga maqlay xaafadaha magaaladaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay iney maqleen dhawaqa illaa afar madfac oo ah kuwa loo yaqaano hoobiyeyaasha

Mid ka mid ah madaafiicdaas ayaa ku dhacay Xaafada Buundaweyn gaar ahaan agagaarka Xabsiga dhexe ee magaalada Baledweyne halka Saddexda kalena ay ku dhaceen laanta Nuur xawaad oo ka tirsan Xaafada Xaawa taako

Lama soo sheegin illaa hadda wax khasaaro ah oo ay geysteen madaafiicda caawa ku dhacday qeybo ka mid Xaafadaha Baledweyne.

Weerarka kadib ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka bilaabay howlagllo culus oo lagu baacsanayo raggii weerarkaan fuliyey oo la aaminsan yahay iinay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments