Al-Shabaab oo Qarxiyay Mooto Bajaaj ay la Socdeen dad shacab ah.

Mooto bajaaj la Qarxiyay

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay qarax la sheegay inuu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ah.

Qaraxa ayaa haleelay mooto bajaaj waxaana ku dhintay seddex qof oo ahaa shacab beeraleey ahaa,kuwaas oo marayey inta udhaxeysa Deegaanka Buurane iyo degmada Mahadaay.

Dadka mashaqada ku qabsatay wadada ayaa kusii socday tuulada buur fuule,waxaana meydkooda oo qaar goo go’ay laga soo uruuriyey goobta.

Maalmo ka hor ayaa sidaan oo kale qarax miino lala eegtay isla jidkaasi maanta wax ka dhaceen gaari cabdi bile ah oo ciidanka Dawladda la socdeen xilligaasi oo afar askari ku geeriyoodeen.

Alshabaab ayaa qaraxyada ay geliyaan jidka dhiniciisa gobollada dalka waxaa inta badan ay khasaaro nafeed kasoo gaaraan shacab aan waxba galabsan,maalmo ka hor ayey sidaan oo kale qarax miino shacab ku laayey deegaanka cabdalla biroole ee duleedka Kismaayo.

Post a Comment

0 Comments