Mareykanka oo shaaciyay magaca nin ka tirsan hoggaanka sare ee Al-Shabaab oo madixiisa la dul dhigay abaal marin

Alshabaab

Barnaamijka bixiya abaalmarinnada lagu raadiyo caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lacag dhan 10 milyan oo doolar dul dhigay madaxa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab.

Bayaan ay shaacisay dowladda Mareykanka oo lagu faahfaahiyay tallaabadan ayaa lagu sheegay in laga farxin doono qofkii keena xog horseedi karta in gacanta lagu soo dhigo ninkan oo lagu magacaabo Macalin Ayman.

“Waxaan ku yabooheynaa abaalmarin $10 milyan ah oo lagu bixinayo macluumaadka fududeyn kara in lasoo xiro Macalin Ayman, waddan kastoo ay ahaataba,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida ay sheegtay dwladda Kenya ninikan ayaa loo heystaa ku lug lahaanshaha weerar argagixiso oo 5-tii bishii January ee sanadkii 2020 lagu beegsaday muwaadiniin Mareykan ah iyo kuwo u dhashay Kenya, kaasoo ka dhacay saldhigga hawada ee Manda Bay, oo ku yaalla Kenya.

Post a Comment

0 Comments