La-taliyihii Axmed Godane oo usoo gacan galay’ NISA

Cabdiraxmaan Macalin Axmed (Abuu-Saacid)

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay garsoore beenaadkii kooxda Al-Shabaab ahna La-taliyihii horjoogaha guud ee kooxda.

Ninkan ayaa ah xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda, sida ay shaacisay NISA.

Horjoogahan sare oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed ayaa sidoo kale waxaa kooxda Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaana Abuu-Saacid ama Shariif.

Xilalka uu kooxda Al-Shabaab kasoo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga Maxkamad beenaadka gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo La-taliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane.

Sidoo kale waxa uu soo noqday madaxii Zakawaadka gobolka Shabeellaha Hoose iyo ku-xigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.

“Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid ugu danbeyntii waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sida uu muujinayo qoraalka NISA, ninkaan oo ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah ayaa isugu isku soo dhiibay hay’adda, inkasta oo ay hay’adda NISA aysan qoraalkeeda ku sheegin faah-faahin dheeraad oo kale.

Si kastaba, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo door muhiim ku leh dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, ayaa sidoo kale waxay hore u burburisay maxkamaddo beenaadkii Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Post a Comment

0 Comments