Nin waxyaabaha qarxa mooto bajaaj ku waday oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Alshabaab

Ciidamada booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa maanta xaafada War-laliska ee degmada Dayniile ku qabtay nin nin ay sheegeen in uu waxyaabaha qarxa mooto bajaaj ku waday.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Xasan Nuur Cali oo ay sheegeen in AlShabaab katirsanaa, waxa ayna xuseen in ninkan qaraxa uu waday doonayay in ay dad shacab ah ku dhibaateeyo.

Qaraxa miino uu waday ninkan booliiska gacanta ku dhigeen ayaa isla goobtii lagu qabtay qarxiyay, waxa ayna booliiska xarunta CID-da u wadeen ninkii ay qabteen.

Ciidamada booliiska ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo kawada qeybo kamid ah Muqdisho, waxa ayna booliiska isbuucii hore qarxiyeen miino kale oo lasoo dhigay hareeraha laamiga Dayniile.

Post a Comment

0 Comments