Shabaab hubeysan oo lagu toogtay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Alshabaab, Muqdisho

Nin hubeysan ayaa la soo sheegayaa in saaka lagu dilay degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada amaanka.

Saraakiisha Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa sheegay iney saaka toogteen xubin ka tirsanaa Amniyaatka AlShabaab oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda.

 “Isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa lagu dilay dhagarqabahaas oo qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Lama faahfaahin qaabka uu weerarkan u dhacay, hase ahaatee goob joogayaal ku sugan degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in meydka ninka hubeysan uu yaallo goobta lagu dilay.

Post a Comment

0 Comments