Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya.

Qarax, Muqdisho

Jugta qarax xooggan oo meelo badan laga maqlay ayaa caawa ka dhacay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo wararku sheegayaan inuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa ka dhacay agagaarka xaruntii hore ee Wakaalada Madbacada Qaranka.

ciidamada amaanka dowlada somalia ayaa wax yar ka dib qaraxaas gaaray goobta, iyagoo xiray aaga qaraxu ka dhacay oo ay baaritaano ka wadaan.

Lama soo sheegin illaa hadda cid waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas, mana cadda cida lala beegsanayey, iyadoo degmada Shingaani ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga fiican Muqdisho.

Laamaha amaanka Muqidsho iyo Maamulka degmada Shingaani ayaan weli ka hadlin qaraxa caawa oo la aaminsan yahay iney ka dambeysay Al-shabaab.

Post a Comment

0 Comments