Al Shabaab oo Qarax ku dishay Sarkaal katirsanaa Ciidanka Puntland

Alshabaab, Puntland

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax ka dhacay lagu dilay mid kamid ahaa taliyeyaasha dadka deegaanka ee la dagaalamayey Argagaxisada.

Waxaa Qarax ka dhacay duuleedka deegaanka Qaw ee gobolka Bari shalay oo axad aheyd lagu dilay Taliyihii Macwiisleyda ee buuraaleyda Caalmadoow ee Gobolka Sanaag.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Cabdirashiid Cali Xiireey oo loo yaqaanay Abees Dhuuni,kaas oo dagaal kula jiray Al Shabaab & Daacish.

Kooxda Al Shabaab ayaa waxay sheegteen inay dileen Sargaalkaasi, islamarkaana la wareegeen deegaan katirsan Gobolka Sanaag oo ay weerar ku qaadeen.

Meesha ay Kooxda AlShabaab sheegeen inay qabsadeen waa deegaanka Durfuri oo udhaxeeya degmada Laasqoray iyo Ceelaayo,waxaana ciidan gurmad ah oo ka baxay Xeryada Ciidanka Puntland ay ku wajahan yihiin halkaasi si loo riixo kooxda meesha qabsatay.

Waxay sidoo kale Shabaabku sheegteen in iyagu ka dambeeyeen dilka Abees Dhuuni oo ahaa sarkaal caan ah oo Puntland laga yaqaanay.

Post a Comment

0 Comments