Al Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku bilowday saaka ku qaaday Saldhig ciidan.

Alshabaab

Ciidamo katirsan kumaandooska Somaliya ayaa goordhaw gaaray deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay saakay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen xubno katirsan AlShabaab.

AlShabaab ayaa gudaha u gashay deegaanka Janaay Cabdalle waxa ayna halkaasi kula dagaalameen ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaaro badan geestay.

Al Shabaab war ay soo saareen ayey ku shaaciyeen in weerarka ay ku qaadeen xerada Janaay Cabdalle ku dileen 89-askari ,sidoo kale weerarka ku dhaawaceen askarta gaareysa tobanaan .

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in jidka u galeen ciidamo kale oo gurmad ugu socday deegaanka Janaay Cabdalle, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi ku dileen askar kale kuna qabsadeen gaadiid dagaal.

Dhanka kale Ciidamada Danab oo gurmad ahaan u gaaray deegaanka Janaay Cabdalle ayaa wada howlgalo ka dhan ah kooxdii weerarka soo qaaday, waxa ayna ciidanka dagaal daba gal ah kula jiraan ragii hubeesnaa ee weerarka soo qaaday.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in deegaanka ka saareen ragii weerarka soo qaaday, waxa ayna sheegeen in ay kudaba jiraan ayna gaarsiiyeen khasaaro aad u xooggan.

Ciidamada Danab oo ay caawinayaan diyaarado dagaal ayaana la sheegay in ay sii baacsanayaan dagaalyahanada Al Shabaab ee saakay weerarka culus kusoo qaaday deegaanka Janaay Cabdalle, halkaas oo sidan oo kale horey Al Shabaab u weerareen.

Post a Comment

0 Comments