Somaliya oo Dardar-galinaysa Qorshe Lagu Cidhibtirayo Argagixisada Alshabaab.

Somaliya, Alshabaab

Dawlada Somaliya ayaa ku hawlan sidii ay udardargelin lahayd barnaamij rasmi ah oo ku cidhib tirayso argagixisada iyo unugyadeeda kala duwan taas oo qayb ka ah dagaalka ay dawladdu bilowday, si ay u dabar-jarto kooxda dhiigya cabka ah ee Alshabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Kulan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Muxamed Axmed Diiriye, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ay wehliyaan saraakiil ka socotay Hay’adaha ammaanka iyo xubno ka socday bulshada rayidka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira ciribtirka argagixisada, waxyaabaha maanka dooriya. iyo dembiyada abaabulan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jamaal, ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayay dardar gelinta barnaamijka la dagaallanka argagixisada oo ka dhacay xarunta degmada C/casiis.

Dhanka kale Ururka Hawenka Somaliyed oo ay hogaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insanka Khadiija Maxamed Diriye ayaa magalada Muqdisho ku soo qaban qaabisay olole wacyigelin ah oo lagu horumarinayo barnaamijka la dagaalanka argagixisada, iyo xuska maalinta haweenka aduunka.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in “Haweenka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka saaraan kooxaha argagaxisada ah ee ku dhuumaaleysanaya xaafadaha ay degan yihiin dadka rayidka, kuwaas oo doonaya in ay daadiyaan dhiigga umada somaliyeed ee aan waxba galabsan”

Waxaanay carabka ku adkaysay  in “Haweenka somaliyeed ay ka go’an tahay in ay kala shaqeeyaan ciidamada amaniyaadka iyo dawladooda Cidhibtirka Argagixisada Alshabaab.

Dowladda federaalku waxay guulo waaweyn ka samaysay la dagaalanka argagixsada Alshabab taas oo keentay in ay malayshiyaadka ururka argagixisadu isa soo dhiibayeen, tan iyo markii uu bilaabmay hawlgalka milatari ee ka dhanka ah argagixisada somaliya.

Post a Comment

0 Comments