Ciidamada Dowladda oo soo afjaray weerarkii hotel Pearl Beach + Khasaaraha

Ciidamada Harimcad

Ciidamada dowladda Somaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa saacado badan kaddib soo afjaray weerarkii Al Shabaab xalay ku qaadeen maqaayada Pearl beach oo kutaalla xeebta Liido.

Weerarka lagu qaaday maqaayada Pearl beach ayaa ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah , waxaana qaraxyada kaddib gudaha hotel  galay dagaalamayaal hubeesan oo katirsan Al Shabaab , kuwaa oo muddo saacado dagaalamayay.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii Shabaab ku qaadeen maqaayada, waxa ayna sheegeen in ciidamada dileen raggii hotelka weeraray oo gaarayay ilaa shan nin oo hubeesan.

Ciidamada dowladda ayaa intii uu socday weerarka ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan dad badan oo maqaayada la weeraray ku godoonsanaa, dadka lasoo bad baadiyay ayaa waxaa ku jiray masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda.

Dhanka kale Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab ay ku geeriyoodeen 6 qof oo shacab ah ,sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale, halka dadkii kale maqaayada ku sugnaa ciidamada soo bad baadiyeen.

AlShabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday maqaayada Pearl beach ee kutaalla xeebta , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen masuuliyiin iyo dad kale oo dowladda u shaqeeya.

Post a Comment

0 Comments