Sirdoonka Somaliya oo gacanta ku dhigay rag looga shakiyay weerarkii Hotel “Xayaat”.

Weerarkii Hotelka Xayaat.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Somaaliya ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Sirdoonka Somaliya ay gacanta ku dhigeen 5 ruux oo ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat Jimcihii lasoo dhaafay.

WeerarKaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 21 ruux oo u badnaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen. , waxaana ku dhaawacmay sagaal askari oo ka tirsan ciidamada nabad sugidda, waxaana ka mid ah taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir Muxuyidiin’ oo la sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shaqsiyaadka la soo qabtay oo u badan rag ka shaqeysta guryaha, ay sawiro ka qaadayeen ciidamo ku guda jira howlgal, taasoo keentay in laga shakiyo, lana soo qabto.

Sarkaal sare oo ka tirsan Nabad Suggida oo codsaday inaan magaciisa la xigan sababo la xiriira in loo diiday inuu ka hadlo Warbaahinta, ayaa sheegay in Sawirada ay raggaan soo qaadeen lagu arkay Telegram-ka ay Shabaabku adeegsadaan, iyadoo tixraaca sawiradaan ay soo direen laga helay sawiradooda telefoonada.

Post a Comment

0 Comments