Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel Xayaat.

Weerarkii Hotel Xayaat.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Federaalka Somaliya Dr. Cali Xaaji ayaa shaaciyay tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo tagay isbitaalada la geeyay dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay 21 qof ay ku geeriyoodeen weerarka halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu sheegay in xogtaan ay wasaaradda caafimaadka kasoo xaqiijisay Isbitaallada ku yaalla Magaalada muqdisho, balse ay jiri karaan meydad ay aasteen ehelladooda, kuwaas oo aan la geyn Isbitaallada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, islamarkaana Wasaaradda caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Soaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa sheegay in muddadii uu socday weerarka Al-Shabaab ku qaaday Hotelka hay’adaha amniga ay xoogga saareen badbaadinta iyo badqabka muwaadiniintii goobta ku sugnayd.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.

Wuxuuna ku eedeeyay Alshabab inay laayeen dad u badnaa carruur iyo haween ah, khasaaraha dadka rayidka ahna uu dhacay saacadihii hore ee weerarka.

Wuxuu xaqiijiyay inay askar naftooda ku waayeen iyagoo badbaadinayay dadka shacabka ah, Balse taliyuhu ma sheegin tirada askarta geeriyootay.

Post a Comment

0 Comments