NISA oo laysay Al-Shabaab qorsheynayey inay weeraraan Bariire + Tirada la dilay

Ciidanka Xooga dalka

War ka soo baxay hey’adda NISA oo ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey xogta howlgal culus oo dhacay Sh/Hoose, kaas oo lagu dilay in ka badan 40 dagaalame iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay gudaha beer weyn oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalkaan, waxaana howlgalkaas fuliyey ciidanka NISA oo kaashanaya la howlgalayaashooda.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay Gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuullada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyaad gabbaad ka dhiganayay hawdka iyo geedaha ku yaalla deegaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalkaas oo saacado badan qaatay wuxuu galaaftay nolosha ugu yaraan 45 xubnood oo Shabaab ah, saraakiilna ay ku jiraan, sida lagu cadeeyey xogtaan, waxaana weli aaggaas ka socda baacsiga firxadkii Al-Shabaab.

“Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-Shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha la khaarijiyay ayaa maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay oo la baadi-goobayo firxadkooda.”

Ugu dambeyntii qoraalka NISA waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.”

Post a Comment

0 Comments