Ciidamada Danab oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab hubna qabsaday

Ciidamada Danab

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa xalay howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ku dilay xubno badan oo katirsan AlShabaab sidoo kale hub kala duwan ku qabsaday.

War kasoo baxay dowladda Somaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan ka dhacay tuulo lagu magacaabo Yaaqdabayl oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay 13-xubnood oo katirsan Al Shabaab .

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Danab gacanta ku dhigeen hub badan ay wateen xubnaha la dilay, kuwaa oo isugu jiray qoryaha fud fudud ee AK-47, qoarayka BKM iyo sidoo kale qorayga baasuukaha loo yaqaan.

Taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ciidanka kumaandooska dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab kana furteen hub, waxa uuna xusay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidamada Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya deegaanno katirsan gobolka Jubadda Hoose, dhawwaan ayey aheyd markii ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland dileen xubno katirsan Al Shabaab kuna soo bandhigeen meydadkooda Kismaayo.

Post a Comment

0 Comments