Ciidamada Danab oo howlgal ka fuliyay deegaan Al Shabaab ku sugnaayeen

Ciidamada Danab

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayo Al Shabaab ka sameeyey deegaanka Ceel Cali gasle oo dhanka waqooyi ka xiga deegaanka ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidankan huwanta ah ayaa cagta mariyay goobo la sheegay in ay gabaad ka dhiganayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ay ku dhibaateyn jireen dadka Shacabka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ay burburiyeen saldhigyo ay AlShabaab ku lahaayeen deegaankaas, ayna ku raadjoogaan firxadka kooxdaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa howlgalo gaar ah kawada deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ,halkaas ay wali joogaan xubno katirsan Al Shabaab oo horey looga saaray deegaanno ay joogeen.

Post a Comment

0 Comments