Ciidamada Kumaandooska Danab oo howlgalo kawada Howdka Bud-bud

Ciidamada Kumaandooska Danab

Ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka deegaanka ayaa howlgalo balaaran kawada howdka deegaanka Bud-bud, halkaas oo la rumeesan yahay in ay ku dhuumaaleesanayaan xubno katirsan Al Shabaab.

Goobaha ay Danab iyo ciidamada la socda howlgalka ka sameeyeen ayaa la sheegay in ay isaga carareen xubno katirsan kooxda AlShabaab oo halkaasi ku sugnaa, waxa ayna ciidamada wadaan howglada ay doonayaan in Al Shabaab kaga saaraan aagaasi.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali , ayaa sheegay inay kuraad joogaan firxadka horjoogayaal iyo xubno katirsan Al shabaab, kuwaas uu sheegay in at ku dhumaaleysanayeen deegaano ku dhow degmada ceelbuur.

Ciidamada huwanta ah ayaa qorsheenaya howlgalo culus ay ku qaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale oo hoostaga halkaas oo wali ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab ee duullaanka lagu yahay.

Post a Comment

0 Comments