Dowladda Somaliya oo Shaacisay in Hoggaamiye katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibay

Alshabaab, Dawlada

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Somaliya ayaa baahisay in ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka October uu isku soo dhiibay hoggaamiye katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Cabdi Xasan Hulbaale oo ahaa madaxii Al-shabaab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qoryooley ayaa dowladda sheegtay in ciidankooda isku soo dhiibay, kaddib markii uu go’aansaday in uu kasoo tago kooxdii uu katirsanaa.

Ninkan ciidanka dowladda isku soo dhiibay ayaa Al Shabaab kasoo tirsanaa muddo sagaal sanno ah, waxa uuna ninkan soo qabtay xilal kala duwan ,isaga oo sidoo kale kasoo qeyb qaatay dagaalo badan.

Sargaalkan katirsanaa Al Shabaab ma shaacin sababta rasmiga ah uu hadda uga soo tagay kooxdii uu muddada dheer katirsanaa , waxaana la filayaa in ninkan loo soo qaado Muqdisho laguna wareejiyo ciidanka NISA si ay xarunta dhaqan-celinta u geeyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalmihii lasoo dhaafay ay kordhayeen xubnaha katirsan Al Shabaab ee isku dhiibaya, waxa ayna dowladda marar badan ugu baaqday dhallinyarada katirsan Al Shabaab in isaga soo tagaan kooxdaasi.

Post a Comment

0 Comments