Sarkaakiil Al-Shabaab u qaabilsaneyd deeganada Jilib iyo Jamaame oo la dilay

Alshabaab

Dowladda federaalka Somaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ay uga sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Warbixin ay sii deysay warbaahinta Dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday goob uu shir uga socday saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda AlShabaab.

Sida lagu sheegay warbixinta waxaa howlgalka lagu khaarijiyay laba horjooge iyo maleeshiyaad ka badan 40 ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaa halkaasi.

Labada horjooge ayaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cabdiraxmaan Aadan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Baay iyo Idiris Cabdiraxiin Nuur oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Aadan ayaa ahaa madaxa ilaalada ee degmooyinka Jamaame iyo Jilib, halka Idiris uu ahaa ku xigeenkiisa, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in xilliga la weerarayayay ay qorsheynayeen inay weerar ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni oo ay dagan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments