Goob uu shir uga socday madaxda Al-Shabaab oo duqeyn culus lala beegsaday

ِAlshabaab

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in xalay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Jamaam ee gobolka Jubadda Hoose, halkaas oo la sheegay in ay ku shirayeen xubno katitrsan AlShabaab.

Warbaahinta dowladda Somaliya oo soo xigatay saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa baahisay in duqeynta lala beegsaday deegaan 14-km  u jira degmada Jamaame, halkaas oo sheegeen in shir uga socday horjoogayaal katirsan AlShabaab.

”Xalay Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoog leh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay Tv-ga dowladda.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in duqeyntan khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray kooxdii lagu weeraray.

Post a Comment

0 Comments