Ciidanka xasilinta oo maanta la wareegay amniga degaanka Ceelasha Biyaha

Ciidamada xooga dalka

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahana kuwa xasilinta caasimada ee boolis milataaro ay dhaq-dhaqaaq ka bilaabeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ciidamadan oo wax badan ka beddalay amniga Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen haatan guud ahaan amniga deegaankan oo ku yaalla waddada aada Afgooye.

Ilo wareedyo amni ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay ka tirsan yihiin guutada 22-aad ee Gungaar, waxaana hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Liibaan Golcad oo ah taliyaha howlgelinta.

Sidoo kale ciidamadan ayaa isla markii howlgallo culus ka bilaabay xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellada Hoose, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud.

Ujeedka ayaa ah inay sugaan amniga, isla-markaana ay ka hortagaan qatar kasta oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho, gaar ahaan in qaraxyo laga soo geliyo dhanka Sh/Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wada qorshe ballaaran oo lagu sugayo amniga caasimada oo mararka qaar ay weeraro culus ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamadan cusub oo tababar kusoo qaatay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa haatan inta badan la wareegay amniga caasimada, waxaana ay si weyn ula dagaalameen kooxaha burcadda iyo ciyaal weerada oo dhibaato weyn ku haayay dadka shacabka ah.

Xaaladda Muqdisho ayaa haatan ah mid deggan, marka loo eego sida ay aheyd bilooyin kahor, haddana saas oo ay tahay, waxaa isku dayo weerar ka sameysa Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments