Xogta weerar loo adeegsaday Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday saldhig Ciidan.

kooxda Al-shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay kooxda Al-shabaab weerar ku bilaawday qaraxyo ay ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaala duuleedka degmadaas.

Weerarka qaraxa ku bilaawday ayaa la sheegay inuu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidankii ku sugnaa Saldhiga la weeraray iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Saldhiga weerarka ay ku qaadeen Al-shabaab ayaa la sheegay iney ku sugnayeen ciidamo kasoo jeeda deegaanka oo halkaasi lagu tababarayay, si ay uga mid noqdaan ciidamo loo diyaarinaayo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Weerarkaan ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen ilaa 5 ruux oo isugu jira  tababarayaal iyo askar ku sugneyd Saldhiga la weeraray, waxaana magaalada Baardheere wali laga dareemaya xaalad kacsanaan ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo markii dambana ay ku biireen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo saldhig ku leh agagaarka xerada Al-shabaab weerarka ku qaaday.

Post a Comment

0 Comments