Al shabaab oo qarax miino ku dilay askar Ajaanib ah

Alshabaab,kenya

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay Qarax xooggan oo ciidamadda Kenya lagula eegtay magaalada Lamu, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas culus.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa Miino lagaliyay wadada dhineceeda ayaa qabsatay gaari ay saarnaayeen ciidan Kenyan ah oo marayay inta u dhaxaysa deegaannada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka tirsan Magaalada Laamu.

Wararka hordhaca ah ee laga helay gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan ciidanka Kenya ee saarna gaarigaas, hayeeshee lama xaqiijin karo tirada rasmiga ee askarta ku geeriyooday qaraxaasi miino, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidanka dowladda Kenya.

Ciidamo boolis ah oo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal culus oo baaritaano ah, iyagoo dhowr ruux u qabtay weerarkan, kuwaasoo baaritaano ay ku wadaan ciidamadda.

Amniga guud ee gobolka Waqoyi bari Kenya ayaa faraha kasii baxaya, iyadoo xukuumada Nairobi ay adkeysay amaanka xadka, hadana waxaa sii socda weerarada kooxda Alshabaab ay halkaasi ka fulineyso.

Post a Comment

0 Comments