Hub iyo gaadiid Dagaal oo lagu qabsaday Weerarkii Janaay Cabdalle oo lasoo bandhigay.

Alshabaab, Janaay

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo talaatadii ku qaaday xero ciidanka milatariga Somaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland kaga sugnaayeen deegaanka Janaay Cabadalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa AlShabaab ugu suurto gashay in ay gudaha u galaan xerada ciidanka ku sugnaayeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho oo labada dhinac kala gaaray.

AlShabaab ayaana soo bandhigtay sawirro ay kasoo qaadeen xerada ciidanka oo ku dhax sugan yihiin dagaalyahanadooda, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dagaalka ku qabsadeen.

Sawirada Al Shabaab baahiyeen ayaa sidoo kale laga arkayay labo askari oo katirsanaa ciidankii xerada ku sugnaa oo nolosha ku qabteen, waxa ay sidoo kale kooxda Al Shabaab soo bandhigeen sawirada askar ay weerarka ku dileen.

Post a Comment

0 Comments