Howlgal lagu xureenayo degmooyinka Galgaduud ka degto Beesha Murusade oo bilaabanaya.

Alshabaab, Galgaduud

Waxaa socda diyaar garow ciidan oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka iyo deegaannada beesha Murusade ka degto gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo sannado badan ah Al Shabaab maamulaan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in la filayo maalmaha soo socda in magaalada Muqdisho ka baxaan xildhibaano iyo saraakiil hoggaaminaya guluf dagaal oo lagu qaadayo degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Dowladda Somaliya ayaa diyaarineysa ciidamo xooggan oo katirsan milatareiga Soomaaliya, kuwaa oo garab siinaya ciidamada deegaanka beesha Murusade si ay Al Shabaab uga saaraan deegaannada iyo degmooyinka ay heestaan.

Madaxweynaha Somaliya oo dhawwaan la kulmay xildhibaano kasoo jeeda beesha Murusade ayaa u ballan-qaaday in ciidan xooggan iyo taageero kale la siinayo ciidamada deegaanka beesha Murusade si ay u xureestaan deegaannadooda.

Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa wali ku jira gacanta kooxda Al Shabaab, waxaana horey u fashilmay howlgal lagu doonayay degmooyinkaasi iyo deegaannada hoostaga in Al Shabaab laga saaro.

Post a Comment

0 Comments