Inkabadan 100 Shabaab ah oo weerar lagu dilay.

Alshabaab

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi, ayaa si faahfaafsan uga hadlay howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo  ciidamada dowlada iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka sameeyeen degaanno ka tirsan gobolka Mudug.

General Biixi ayaa sheegay in dagaal iyo duqeyn xooggan ka dib ay ciidamadu huwanta ah la wareegeen degaanka Doonyaale oo u dhaxeeyo magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego, inaanu la wareegnay Deganaka Doonley oo dhaxeeya Shabeellow iyo Camaara oo cadowga u ahayd Talis iyo difaac weyna ay ku lahaayeen

“Dagaalkaas waxaa uu ahaa dagaalladii Khawaarijta lagula jiray midkii ugu waqtiga dheeraa oo socday 8-saacadood, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan, nimankii Khawaarijta ahaa gododka waa laga saaray,” 

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in dagaalladaas oo aad u xoogganaa Alshabaab looga dilay rag fara badan oo gaaraya 117 dagaalyahan.

“Waxay ciidamada hadda ku daba jiraan firxadkooda, Khawaarijta ayaa ku go’doonsan ilaa iyo afar fariisin oo ay ku dhuumaleysanayeen. Howlgalkana weli waa socdaa” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi.

Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu bacsanayo haraadiga Khawaarijta ayaa ilaa iyo hada guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Post a Comment

0 Comments